Ciidamo hubeysan oo bililiqeystay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas iney gudaha u galeen ciidamo hubeysan oo bililiqo ka geystay.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Suudaan ayaa baahiyay in ciidamada hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka suudaan oo ka kooban sadax dabaq, islamarkaana ciidanka hubeysan ay qaateen dhamaan qalabkii dhexyaalay xarunta Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dad daris la ah safaaradda ay u xaqiijiyeen warka la xariira in ciidamo hubeysan ay galeen dhismaha Safaarada ayna bililiqeysteen qalabkii dhexyaalay xarunta Safaarada Soomaaliya ee wadanka Suudaan.

“Waxaa naloo sheegay inay jabiyeen albaabka hore iyo kan dambe ee safaaradda. Sidoo kalena ay galeen dabaqii hoose oo ay ku yaalleen xafiisyo iyo maktabad yar. Laakiin aysan la kulmin wax ay qaataan” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa sidoo kalr sheegay in kooxda ay meesha ka waayeen waxyaabahii ay doonayeen oo ka mid ahaa sida uu sheegay Danjiraha lacag, dahab iyo qalab kale oo muhiim ah.

“Waxay keliya qaateen gaari safaaradda horkeeda ku baakinnaa oo ay dad kale lahaayeen, Ma aysan gelin qeybtii kore oo xafiiskeyga ah” ayuu intaas raaciyay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Goobta ay ku taala Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartuum waxaa ku yaala Safaarado ay ka mid yihiin kuwa dalalka Kenya, Jabuuti, Zimbabwe, Algeria, Libya iyo Eritrea, waana meel u dhow garoonka la isku heysto ee dagaalka uu ka socday.

“Waan cambaareynaa in xarun xasaanadeeda leh la weeraro. Qofkii u bareero waa qof kusoo xadgudbay, waana mid khaanuunka baal marsan in la galo laguna xadgudbo” Ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

SHARE

LEAVE A REPLY