Ciidamada Huwanta oo howlgalo culus ka sameeyay Mudug

0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Howgallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalamaayasha AL-Shaabab waxaa ay ka sameeyeen degaanno dhowr ah oo ka tirsan Maamul Gobolaadka Galmudug.

Howgallada oo ahaa kuwo qorsheysan ayay Ciidamadu ka sameeyeen degaanno iyo tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana Saraakiisha hor kacaysa howgalkaasi ay sheegeen inay guulo ka gaareen.

Ciidamada ayaa si gaar ah waxaa ay howgallo kaga sameeyeen tuulooyin hoos taga deegaanka Caad ee gobolka, waxaana intas ay ku dareen in howlgalkaasi ay degaano kaga saareen AL-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Saraakiisha Ciidanka ee hoggaaminaysa Howgalkaasi ma faah faahin in khasaare ka dhashay howgalkaasi iyi in kale,balse Ciidanka dowladda ayaa dhawaanahaan waxaa y howgallo iyo dagaallo toos ah kula jiraan dagaalamaayasha AL-Shaabab.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud waa meelaha ugu badan ee haatan ka socdaan howgalada ka dhanka ah dagaalamaayasha AL-Shabaab, oo dhawaanahaan lag qabsaday magaalooyin muhiim u ahaa.

SHARE

LEAVE A REPLY