Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan gobolka sh/dhexe oo ay horay u maamuli jireen Ururka Al-shabaab.

Deegaanada Militariga Soomaaliya ay saakay la wareegeen ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhagaxoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, kuwaas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe.

Ciidamada la wareegay deegaanadaasi hoostaga Balcad ayaa la sheegay iney hoggaaminayaan Xildhibaan Cismaan Xaadoole, guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaran iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya qeybta 27-aad gaar ahaan guutada 4-aad.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidamadaan ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xawaadley oo Al-shabaab u ahaa deegaan Istiraatiiji ah oo ay isaga kala gooshi jireen gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee howlagalada ciidmadaan ay kula wareegeen deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa imaanaya, iyadoo degmada Cadale ee gobolka Dh/dhexe ay ku sugan yihiin ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiid farabadan oo ilaa hadda aanan sameynin wax howlgalo ah oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada hoostaga degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY