Booliiska Soomaaliya oo toogasho ku dilay nin aasayay qarax miino

0

Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ayaa Maanta toogasho ku dilay nin la sheegay inuu qarax Miino ku aasaayay hareeraha wadada laamiga ah gaar ahaan agagaarka deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ay toogteen ninkaan xili ay ku jireen howlgal roondo ah, islamarkaana ay la kulmeen isagoo doonaya inuu qaraxa miino ku aaso wadada laamiga ah dhinaceeda.

“Ciidanka Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Garasbaaleey oo ku jira howgal Ammniga lagu xaqiijinayo ayaa la kulmay Dhagar-qabe Ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo Miino ku aasaya hareeraha laamiga si uu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah Sooman. Ciidanka Booliska ayaana Toogasho ku dilay, waxaana Ciidanka usuurta gashay in soo qaadaan Miinadii uu dhagarta ku maleegayay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska gobolka Banaadir.

Talaabadaan Maanta ay ku toogteen ciidamada booliiska ninkaan la sheegay inuu aasayay qaraxa miino ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidamada ay kordhiyeen maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda.

SHARE

LEAVE A REPLY