Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigay rag burcad ah

0

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa qabtay labo nin oo ku eedeysan burcadnimo kuwaas oo Boliisku sheegay in ay dadka shacab ah dhibaatayn jireen isla markaana ay dhac u gaysan jireen.

Shaqsiyaadka lasoo qabtay ayaa Boolisku soo bandhigeen Sawiradooda iyo waxyaabihii ay u adeegsan jireen inay dadka kud dhacaan.

Waxyaabaha lasoo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah Bistoolado caag ah, waxaana laga soo qabtay isgooska Degmada Howlwaddaag ee Gobolka Banaadir, waxaana loo gudbin doonaa sida Boolisku sheegay hay adaha ku shaqada leh Maxkamadeynta shaqsiyaadkaan lasoo qaabtay.

Waxaana socota Baaris dheeraad ah oo lagu sameynayo labada ruux ee Booliska Gobolka ay soo qabten, xili la sheegay in ku howlanaayeen dhibaataynta dadka shacabka ah ee Caasimadda.

SHARE

LEAVE A REPLY