Ardayda Muqdisho iyo saameynta Maandooriyaha Taabuuga oo gaartay iney…

0

Iyadoo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu maamulka gobolka Banaadir ka waday howlgalo ay kula dagaalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in isticmaalka maan dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada Caasimadda ku dhaqan oo ay ka mid yihiin ardayda Waxbarata.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu dagaal adag kula jiro baabi’inta iibinta iyo isticmaalka maan dooriyaha oo uu sheegay in dhibaato xooga uu ku hayo amniga magaalada Caasimadda aha ee Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaato badan uu ardayda ku hayo isticmaalka taabuuga oo dalka dibadiisa laga keeno, isagoona sheegay in ardayda isticmaasha taabuuga iney la dagaalamaan Macalimiintooda.

“Taabuuga oo dhallinta qaar si weyn xiligan u isticmaalaan waxa uu ka mid yahay wax yaabaha aan la dagaalamayno, oo ardeydii inay cunaan bay macalimiintii wax bareysay la dagaalamayaan”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Isticmaalka maan dooriyaha loo yaqaano Taabuuga ayaa si weyn waxaa u isticmaala dhalinyarada da’da yar ee isugu jira kuwa wax barta iyo kuwa aan baran intaba waxaana si caadi ah loogu iibiya inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY