AL-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

0

Warar soo baxaya ay sheegaya in Urur Al-shabaab ay xayiraad kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo baahisay warkaan la xariira in kooxda Al-shabaab xayiraad kusoo rogeen Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ay u xaqiijiyeen idaacadda in Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.

Majirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ku aadan wararkan sheegaya in kooxda Shabaab xayiraad kusoo rogeen dhaqdhaqaaqyada Shirkadda Hormuud Telecom.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowr jeer oo hore warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab marka ay ka baxayaan deegaanada ay kasii jaraan isgaarsiinta iyo Ceelasha biyaha, hayeeshee adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannada laga xureeyo Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee talaabadaan xayiraada loogu roogay Shirkadda Hormuud ayaa lala xariirinaya in kooxda aysan dooneyn in laga helo deegaanada laga saaray adeeg isgaarsiineed.

SHARE

LEAVE A REPLY