Al-shabaab oo lagala wareegay deegaano badan oo muhiim u ahaa

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Raageceele iyo Jowhar.

Deegaanada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen saakay ayaa kala ah Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo ah deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Raageceele ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in deegaanadaan ay la wareegeen ineysan kala kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Shabaab oo horay uga talin jiray deegaanadan saakay lagala wareegay.

Deegaanadaan ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa muhiim ah oo Shabaab u fududeyn jiray isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Sh/dhexe, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalada la doonayo in ciidamada dowladda ay isugu furaan degmooyinka gobalka Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY