Al-shabaab oo la wareegtay Saldhig ay baneeyeen ciidanka ATMIS

0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in duhurnimadii Maanta dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay dagaal xoogan kula wareegeen deegaanka Gerileey ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararka laga helay khasaaraha weerarka ay sheegayaan in ilaa sadax ruux ay ku dhinteen tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Deegaanka Gerileey waxaa horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrkka, gaar ahaan kuwa ka socda dalka kenya, kuwaas oo wareejiyay Saldhigii ay ku lahayeen deegaankaas bishii lasoo dhaafay dhamaadkeedii.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta xaqiijiyay in kooxda Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka gerileey ee gobolka Gedo.

SHARE

LEAVE A REPLY