22 ruux oo tahriibayaal ah oo ku dhibtay xeebaha dalka Gariiga

0

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ay baareyso hidde-sidaha ehelka qaar kamid ah Tahriibayaal ku geeriyooday Xeebaha Dalkaas, dadka baarista maraya oo Soomaali ah ayaa ehel la ah 7 kamid ah 22ka ruux ee Soomaalida ah ee dhintay iyaga oo tahriibaya.

Saraakiil katirsan Dowladda Giriigga ayaa ku wargeliyay ehelka dadka dhintay in ay la xiriiraan hay’adaha shaqada ku leh in ay baaraan hidde-sidaha, marka la xaqiijiyo kaddib aas loo sameyn karo dadkaas.

Qaar kamid ah Dadka ehelkoodu ku dhintay doonta ay ku tahriibayeen ayaa sheegay in xogta soo gaartay ay ku heleen in ay cillad ku timid doonta sidaas ay ku geeriyoodeen, waxa ay kasoo safreen xeebaha Turkiga.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Giriigga ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay uga hortagayaan qulqulka tahriibayaasha uga imaanaya Turkiga si ay u galaan Dalkaas kaddibna uga sii gudbaan waddamada kale ee qaaradda Yurub.

Warbixin ay soosaartay Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in ay kordheen qulqulka soogalootiga iyada oo sababta ugu weyn loo arko dhibaatooyinka nololeed ee ka jira waddamada ay kasoo jeedaan tahriibayaasha.

SHARE

LEAVE A REPLY