13 ka mid ah Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab Ururka 5-aad oo kaashanaya ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyay deegaanka Turdho iyo deegaanko kale ku teedsan jiinka Wabiga Jubba, waxayna sheegeen in howlgalkaasi ay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Xubnaha lagu dilay howlgalka ayaa la sheegay inuu ku jiray xubin sare oo ka mid ah Ururka Al-shabaab, kaasoo magaciisa lagu sheegay Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa afgarashadu yahay Axmed Sahal, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliye Carab Carab Dheeg Axmed.

Howlgalkaan ay iska kaashadeen Kumaandooska Danab iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali gobolada dalka ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY