“Waan Jeex-jeexayaa Liisankayga Tababarenimo, Shaqadana Waan Ka Tegayaa Haddii Uu 10 Gool Dhalin Waayo”

0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu jeex-jeexi doono liisankiisa tababarenimo oo uu hawlgab ka noqon doono ciyaaraha, haddii uu xiddiga kooxdiisa ee Federico Valverde uu dhalin waayo ugu yaraan toban gool xilli ciyaareedkan socda.

Ancelotti oo warbaahinta la hadlayay kaddib guushii 2-0 ahayd ee ay kooxdiisu xalay ka gaadhay RB Leipzig ayaa waxa uu sheegay, in uu sharad la galay da’yarka khadka dhexe ee Valverde oo dhaliyey goolka koowaad, kaas oo uu hore ugu sheegay in haddii uu dhalin waayo ugu yaraan toban guul uu hawlgab ka noqon doono ciyaaraha.

Fede Valverde oo ay da’diisu tahay 24 jir ayaa xilli ciyaareedkan ku bilowday qaab wanaagsan, waxaana uu si joogto ah ugu soo bilaabanayay kulamadii kooxdiisa ee xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Talyaaniga ah oo ka hadlayay sharadka uu laacibkan la galay ayaa yidhi: “Waxa aan sannadkii hore la yaabay waxa uu ahaa in uu kaliya dhaliyey hal gool oo ahaa Super Cup. Haddii aanu ciyaartoyga sidaas ahi xilli ciyaareedkan dhalinin ugu yaraan 10 gool, waa in aad jeex-jeexdo liisankaaga tababarenimo oo aad hawlgab noqoto. Sababtoo ah, lugtiisu waa dhagax. Caawa [xalay] waxa uu kubadda ku toogtay lugtiisa bidix, waligayna ma arag isaga oo lugta bidix sidaas oo kale ugu laadaya, waxa uu muujiyey kalsoonida uu ku qabo awooddiisa, waxa uu leeyahay awoodo badan, waana ciyaartoy tamar badan oo waxyar u jira in lagu tilmaamo xiddiga ugu wanaagsan dunida booskiisa, waa in aynu inyar uun sugno.”

Carlo Ancelotti waxa kale oo uu amaanay Marco Asensio oo uu sheegay in uu qayb weyn ka qaatay guusha, hase yeeshee Karim Benzema ayaa uu shaki geliyey in uu ciyaari doono kulanka Atletico Madrid ee Axadda, waxaanu xaqiijiyey in aanu wali xiddiga reer France kusoo laabanin tababarka.

Aurelien Tchouameni oo khadka dhexe ka beddelay Casemiro oo u wareegay Manchester United ayaa uu isagana amaan kula dul-dhacay, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy aad u caqli badan, laakiin waxa jira waxyaabo ay tahay in uu horumar ka sameeyo gaar ahaan kubadda, laakiin waa mid caqli badan oo xariif ah, waana sababta ay Real Madrid sida degdegga ah ula saxeexay. Wali wuu da’yaryahay, su’aalo badanna wuu ku weydiinayaa. Sababahan darteed, waa hubaal in uu sii wadi doono horumarka.”

SHARE

LEAVE A REPLY