Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray amar ku socda madaxda dowladda iyo Ganacsatada

0

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo la xariirtay inta badan amniga dalka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dowladda Fedaraalka iney la shaqeeyaan hay’addaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo gaadiidka hubeysan ee lagu dhexmaro magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay ineysan aheyn kuwa ku haboon amniga oo ay yihiin kuwa xarago ah.

Wuxuu ka digay madaxweynaha in masuuliyiinta dowladda iney adeegsadaan awood ciidan ama si qasab ah ay ku maraan baraha hubinta koontaroolada oo ay ku sugan yihiin ciidamada amniga.

“Gaadiidka Hubeysan ee beledka socda amni ma ilaalinayo ee waa xarrago sidaas awgeed joojiya waa amar, dadka Masuuliyiinta ah waa iney joojiyaan Gaadiidka hubeysan oo ay magaalada ku dhexmarayaan, Dadka Masuuliyiinta ah ha joojiyaan kontoroollada ay dardarayaan oo Gadiidka maraya jidadka waa in la baaraa qofkii rabo hawato ama ha sarnaado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in ganacsatada aysan keeni karin oo aysan ka ganacaan karin dharka ciidanka iyo agabka kale ee ciidamada, isagoona sheegay in cidii lagu arko iyadoo arintaasi ka shaqeyneysa in la horkeeni doono sharciga.

“Dharka iyo Qalabka kale ee ciidanka lagama ganacsan karo, lama keeni karo lamana soo dejin karo, tuutaha Shabaab ay wataan waxuu ku yimid laba arrin midkood oo kala ah mid Ganacsade sheeganaya oo irsaaqad ka raadinaya iyo mid Tuug ah oo baqaarada ciidanka ka xaday oo u geeyay Shabaab hab saddexaad ma jiro” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay dib usoo celinta amniga dalka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY