Amaanka guud ee magaalada Muqdisho oo laga shiray

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay labada guddoomiye ku xigeen ee maamulka gobolka, Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa u jeedkiisa lagu sheegay isla xisaabtan iyo is xog wareysi, waxaana s gaar ah diirada loogu saaray waxka qabashada xaaladaha amaan daro ee ka jira gobolka Banaadir iyo sidii loo dardar geln lahaa xaqiijinta amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaa sido kale shirkaan looga arinsaday sdii looga hortaggi lahaa weerarada kooxda Al-shabaab, islamarkaana loo xoojin lahaa la dagaalanka kooxaha burcadda, Ciyaal weerada iyo maandooriyaha oo ay si weyn uga cabanayeen mudooyinkii dambe shacabka reer Muqdisho.

Shirkaan looga hadlaayay amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdsho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda ay si weyn u kordhiyeen markii ay curatay bishaan Barakeysan ee Ramadaan howlgalada ay kulu dagaalamayaan kooxaha Al-shabaab Buracada, Ciyaal weerada iyo Waxyaabaha Maanka dooriya oo qatar ku ah amaanka Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY