Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday odayaal Shabaab heshiis lasoo galay

0

Waxaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Ayaa Xukun Kuriday Odoyaal Al shabaab heshiis kula soo galay Degma Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal Al shabaab heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga saarin 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Al Shabaab oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna tageen Xarardheere oo ay sheegeen iney kasoo deynayeen Al shabaab dad ay ka afduubteen gobolada dhexe.

18-kii bishaan ayaa loo fadhiistay dhageysiga Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Odoyaasha la xukumay ay haystan fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

SHARE

LEAVE A REPLY